Golaha Ammaanka ee QM oo isku raacay qaraar la xidhiidha Gaza

Ka dib maalmo badan oo wadahadalo xooggani ay ka socdeen xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ugu dambayn waxaa Golaha Ammaanku meelmariyey qaraar ku baaqaya in gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah la geeyo marinka Gaza, ka dib markii Maraykanka oo laga baqayey inuu adeegsado codka diidmada qaxayan, uu ka aamusay.

“Maanta waxaa golahani uu ku baaqay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo gargaarka bini’aadanimo loogu ogolaanayo marin ammaan ah, iyada oo aan la carqaladaynaynin iyo in la abuuro jawi lagu gaadhayo heshiis xabbad joojin ah oo waari karta” sidaas waxaa sheegtay Linda Thomas-GreenField oo ah danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay.

Linda ayaa intaas ku dartay, in si degdeg ah loo sii daayo maxaabiita, iyada oo ugu baaqday labada dhinac ee Israa’iil iyo Xamaas-ba inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Waxay sheegtay in Maraykanku uu “aad uga niyad-jabsan yahay” inaan qaraarkan lagu soo darin, in la cambaareeyo weerarkii Xamaas ay ku dishay 1,200 ee Israa’iiliyiinta ah.

Ruushka oo qaraarkan ka aamusay ayaa isagu doonayey in la xoojiyo luuqadda uu ku qoran yahay qaraarkani, isaga oo ku tilmaamay qabyo qoraalkii ugu dambeeyey ee ay dabada ka riixaysay Washington inuu ahaa “mid aan nuxur badan xambaarsanayn”.

Diplomaasiyiinta ayaa tan iyo maalintii Isniinta waxay ka shaqaynayeen qaraar qabyo qoraal ah, oo ay soo diyaariyeen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu, iyaga oo doonayey in lagu qanciyo Maraykanka, inaanu adeegsan codkiisa diidmada qayaxan.

Maraykanka ayaa hore codka diidmada qayaxan ugu isticmaalay qaararkii hore ee la horkeenay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo guuldaraystay.

Qaraarkan ugu dambeeyey ayaa la fududeeyey luuqadda lagu qoray, waxaana laga saaray in si toosa loogu baaqo xabbad-joojin degdeg ah, taas bedelkeeda waxaa dhinacyada loogu baaqay inay abuuraan jawi lagu gaadhayo heshiis xabbad joojin ah oo waara. Maraykanka iyo Israa’iil ayaa haatan ka soo horjeeda xabbad-joojin lagu baaqo, iyaga oo ku doodaya inay caawinayso kooxda Xamaas.