Shax Cajiib Ah Oo Laga Sameeyay Saxiixyada Ugu Fiican Ee Ay Kooxaha Premier League Sameeyeen.

Kooxaha Premier League ayaa mar kale suuqa galiyay lacag kor u dhaaftay 1 bilyan euro intii uu furnaa suuqii kala iibsiga xagaaga.

Saxiixyada ugu waaweyn ee premier League yimid waxa hogaaminaya xiddigaha Erling Haaland iyo Casemiro kuwaas oo hogaaminaya xiddigo badan oo fiican oo ku kala biiray kooxaha premeir League.

Chelsea ayaa suuqa galisay lacag ka badan 250 milyan oo euro iyada oo la soo saxiixatay 9 xiddig oo ay ka mid yihiin Wesley Fofana & Kalidou Kouliably.

Arsenal ayaa dhinaceeda samaysay saxiixyo fiican oo ay waliba si fiican ugu bilaabatay qaab ciyaareed fiican waxana ka mid ah Gabriel Jesus & Oleksandr Zinchenko.

Tottenham ayaa dhinaceeda samaysay saxiixyo fiican waxana ka mid ah xiddiga Richarlison kaas oo ay lacag 60 milyan ah ka soo bixisay.

Man United ayaa dhinaceeda suuqa galisay lacag fiican iyaga oo la soo saxiixday 6 xiddig oo ay ka mid yihiin Antony, Lisandro Martinez iyo Casemiro.

Man City ayaa dhinaceeda samaysay saxiixyo fician kana mid yihiin Haaland iyo Kalvin Phillips kuwas oo haatanba si fiican u caawiyay premier League.

Liverpool ayaa dhankeeda rikoodhka suuqa u jabisay xiddiga Darwin Nunez kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Benfica.

Hadaba waxa shax cajiib ah laga sameeyay saxiixyada ugu fiican ee ay kooxaha premier Legaue sameeyeen intii uu furnaa suuqii xagaaga.