Liverpool Mise Everton? Chris Sutton Oo Saadaaliyay Kulanka Merseyside derby

Khabiirka BBC Chris Sutton ayaa saadaaliyay in Liverpool ay 2-1 kaga badin doonto kooxda ay xafiiltamaan ee Everton kulanka maanta ee premier League.

Sutton ayaa rumaysan in ay Everton mar kale la kulmi doonto guuldaro inkasta oo ay Samaysay saxiixyo cusub maalintii ugu dambaysay ee suuqa Xagaaga.

“Everton wali ma badin kulan, mana bilaabi doonto kulanka Liverpool, waxa ay la soo saxiixdeen Idrissa Gueye back & Neal Maupay laakiin waxa aan saadaalinayaa in ay liverpool guul gaadho kulankan”ayuu Sutton yidhi.

Sutton ayaa sheegay in ay Reds haysato tayo ku filan oo ay ku heli karto 3-da dhibcood ee kulanka Merseside Derby inkasta oo uuna xiddiga Mohamed Salah ku jirin qaab ciyaareed fiican.

“Mohamed Salah wali ma soo bandhigin qaab ciyaareed fiican, Liverpool-na wali si fiican iskulama qabsan waana arin ay ka shaqaynayaan laakiin waxa aan qabaa in ay leeyihiin tayo ay kulankan ku badiyaan”ayuu sii raaciyay.