Shaun Wright-Phillips Oo Saadaaliyay Kooxaha Ku Dhamaysan Doona 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League.

Shaun Wright-Phillips ayaa aaminsan in qaab ciyaareedka fiican ee ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka la macno tahay in Chelsea, Manchester United iyo Tottenham ay dhamaantood u dagaalamayaan hal boos oo ka mid ah afarta sare ee Premier League.

Arsenal ayaa guul gaadhay 5 guul oo ka mid ah 6-da kulan ee ay ciyaartay premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Mikel Arteta ayaa haatan hogaaminaya premier Leagueu iyaga oo hal dhibic ka horeeya kooxda Man City ee difaacanaysa premier League.

Wright-Phillips ayaa u sheegay Metro.co.uk: “Aad ayaan ula dhacay Arsenal sanadkii hore, xilli ciyaareedkan waxa ay ku jiraan qaab ciyaareed joogto ah oo fiican”.

“Aniga ahaan Arsenal waxa ay u dagaalami doontaa kaalinta 2-aad iyo 3-aad sidaas darteed kooxaha chelsea, Man United iyo Tottenham ayaa ku tartami doona kaalinta 4-aad”.