Christian Eriksen Oo Shaaca Ka Qaaday Sababtii Uu Isaga Diiday Tottenham Una Doortay Ku Biirista Man United.

Christian Eriksen ayaa daaha ka qaaday inuu iska diiday xiisihii Tottenham iyo Brentford sababtoo ah wuxuu dareemay u dhaqaaqida Man United tahay fursad uu ugu ciyaari karo koox weyn

Eriksen ayaa Man United u saxiixay heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono Old Trafford inkasta oo uu xiiso ka helay kooxaha Tottenham iyo Brentford.

“Man United Waa mid ka mid ah naadiyada ugu weyn adduunka” ayuu yiri Eriksen.

“Dabcan waxa i doonayay kooxaha Tottenham iyo Brentford laakiin waxa aan doonayay in aan xirfadayda dib u bilaabo kuna biiro koox weyn”ayuu sii raaciyay.

Eriksen ayaa durba xiddig muhiim ah ka noqday kooxda Man United isaga oo kulamo badan caawiyay kooxda isla markaas laf dhabar ka noqday kooxda Red Devils.