Sawirro:-Roob jaray buundada Qalqalooc ee u dhaxaysa Garoowe iyo Sunajiif iyo gaadiid ku xaniban.

Daad kusoo rogmaday wadada u xaysa Garoowe iyo Sunajiif ee gobolka Nugaal ayaa jaray qaar kamid ah Buundooyinka laamiga kuwaas oo sababay inuu istaago isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha isticmaala laamiga isku xira gobolada dalka.

Buundada qalqalooc oo u dhaxaysa Sunajiif iyo Buundada Midigar ayey jareen biyaha kusoo rogmaday waxaana ku xaniban gaadiid badan oo ku safrayey laamiga weyn ee isku xira goboladda Soomaaliya.

Laamiga weyn ee isku xira gobolada Dalka ayaa waxaa uu muhiim u yahay isu socodka safarada mana markii ugu horaysay oo roobabku ay buundooyinka jaraan.

PUNTLAND POST.