Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyay magaalada Nairobi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen, Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Musalia Mudavadi, Wasiirka Difaac Aadan Barre Ducaale ,Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Axmed Macalin Fiqi, xubno ka tirsan Dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, safarka Xamsa ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, socdaalka ,amniga gaar ahaan la dagaalanka agagixisadda, dalxiiska, caafimaadka iyo waxbarashada.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamsa inta uu joogo Kenya uu la kulmi doono madaxda Kenya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, isaga oo la wadaagaya fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la dagaallanka agagixisadda iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

PUNTLAND POST