Saadaasha Roobka todobaadka 6-12 May 2024.

Puntland filashada roobka asbuuca 06 – 12 May 2024 ayaa ah mid dhex-dhexaad ah inta badan deegaanada Puntland una dhaxaysa (40-100) mm siday sheegtay Hay’adda maaraynta xogaha biyaha Puntland.

Deegaanada Bodacad oo ah gobolka Sanaag, iyo Xaaji-khayr oo gobolka Nugaal ah ayaa la filayaa xaddiga roobku in u gaaro 100mm.

Deegaanada Beerdhagaxtuur, Tuulo-xabiibo,Labo-warood, iyo Duddun oo katirsan gobolka Mudug ayaa lafilayaa inay ka da’aan roobab xaddigoodu sareeyo gaari karana (150-200)mm.

Dhammaan bulshada ku dhaqan deegaanada xaddiga roobku sareeyo waa inay taxadar dheeriya muujiyaan kana fogaadaan meelaha biyo mareenada ah ilaa 12 May 2024.

Sadaashan roobka waa ay isbadeli kartaa xilli kasta, Xarunta macluumaadka khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dawladda Puntland waxa ay sidhow ula soconaysaa markasta isbad-badalka cimilada ee xilli roobaadka.

PUNTLAND POST