Ciidamada Puntland oo qabtay Maraakiib iyo Doonyo ay la socdeen Ajaaniib (Sawirro)

Ciidamada badda ee maamulka Puntland ee PMPF ayaa howlgallo ay todobaadkan gudihiisa ka sameeyeen xeebaha degmooyin Puntland ku qabtay maraakiib, doonyo iyo laashash, ay la socdeen dad ajaaniib ah oo dalal kala duwan kasoo jeeday.

Qoraal kasoo baxay ciidamada badda ee Puntland ayaa lagu  sheegay in maraakiibta iyo doonyaha ay qabteen ay isugu jira kuwo sifo sharcidarro ah u kalluumaysanayay, kuwo looga shakiyey burcad-badeed iyo kuwo aan haybtooda la aqoon.

“Cutubyada badda ee ciidamada PMPF, oo si joogto ah u wada gulufyo lagu sugayo amniga badaha Puntland ayaa hawlgallo lixaad leh ka sameeyey todobaadkan guud ahaan Xeebaha degmooyinka Puntland, kuwaasi oo lagu qabtay maraakiib, doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidamada Puntland.

Maamulka Puntland ayaa leh ciidamo xooggan oo kuwa badda ah, waxa ayna ciidamadaasi oo adeegsada doonyo dheereeya howlgalo ka sameeyaan xeebaha Puntland, iyagoona marar badan qabtay maraakiib iyo doonyo sifi sharcidarro ah ku kaluumeesanayay.

default

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –