Ruushka oo markale cambaareeyey xasuuqa Israel ka wado dhulka Falastiin

Published: December 11, 2023

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in ay tahay “wax aan la aqbali karin” in Israa’iil ay u adeegsato weerarkii 7-dii Octobar ee Xamaas oo ay marmarsiinyo uga dhiganayso ciqaabta wadajirka ah ee dadka reer Falastiin.

Isagoo ka hadlayay Madasha 21-aad ee Dooxa ee dalka Qatar, ayuu ku baaqay in kormeer caalami ah loo diro marinka Qaza.

Waxa uu soo jeediyay in weerarka Xamaas ay ku qaaday Israa’iil uu daba socday go’doomin sanado ah iyo ballan-qaadyo aan la fulin oo lagu dhisayo dowlad ay leeyihiin Falastiin.

Lavrov ayaa ka hadlay baahida loo qabo kormeerayaasha caalamiga ah ee Gaza, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday muhiimada ay leedahay in cadaadis caalami ah la saaro xabad joojinta bini’aadantinimo ee Marinka Gaza.

Horseed Media