Diyaarada F-16 oo uu leeyahay Mareykanka oo ku burburtay dalka Kuuriyada Koonfureed

Published: December 11, 2023

Diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F-16 oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa Isniintii ku burburtay biyaha dalka Kuuriyada Koonfureed kadib markii duuliyihii uu diyaarada ka booday.

“Duuliyaha waxaa soo badbaadiyay ciidamada badda ee Jamhuuriyadda (Koonfurta Kuuriya) isagoo xaaladiisuna ay wanaagsan tahay. Waxaa lagu celinayaa saldhiga ciidamada cirka ee Kunsan,” ayuu yidhi Taliska Ciidamada Cirka ee Maraykanka.

Waxay ahayd dhacdadii labaad ee sanadkan ka dhacda Kuuriyada Koonfureed iyo nawaaxigeeda, diyaarad kale oo F16 ah ayaa horey ugu burburtay dhul beereed u dhow saldhigga hawada Osan ee Pyeongtaek, gobolka Gyeonggi, una dhow caasimadda Seoul.

Waxaa dalkaasi ku sugan 28,500 oo ah ciidamada Mareykan oo ka qeyb qaata difaaca dalkaasi xulafada la ah.

Horseed Media