Rugta Ganacsiga Soomaaliyed oo isku dayeysa in dekeda Muqdisho laga fasaxo bur dhacay

Guddoonka Rugta ganacsiga Soomaliyeed ayaa dedaal xoogan ugu jira in la soo fasaxo bur dhacay oo todobaadyo ka hor laga soo dejiyey dekeda weyn ee magaalada Muqdisho.

Burkan oo ku jira illaa todoba kontainar ayaa waxaa gacanta ku dhigtay heyadda tayo dhowrka Soomaaliyeed oo u xilsaaran hubinta badqabka badeecadaha la soo gelinayo dalka sida cuntada, qalabka dhismaha iwm.

Markab dhowaan ku soo xirtay dekeda Muqdisho ayaa laga soo dejiyey burkan oo laga keenay dalka Turkiga, wuxuuna dhacaya sida ku xusan qoraalka jawaanada uu ku jiro bishan Maarso sanadka 2024.

Maxamuud Cabdi Cali (Gabeyre) Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo arrimo ganacsi ay kala dhexeeyaan ganacsatada la soo degtay burkan ayaa isku dayay in dekeda laga fasaxo, isagoo ku andacoonaya in burkan uu fiican yahay, aysana weli dhamaan bishan Maarso oo uu dhacayo.

Gabeyre ayaa geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii burkan dekeda looga saari lahaa, looguna iibin lahaa Suuqyada dalka, isagoo adeegsaday Wasiiro, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah madaxda sare ee dalka.

Heyadda tayo dhowrka Soomaaliyeed ayaa la sheegay iney ka biyo diiday cadaadis dhinac walba leh oo la saaray si ay burkan u fasaxaan, iyadoo xitaa la isku dayey in madaxda heyadaas la siiyo lacago laaluush si ay qiil ugu sameeyaan arrintan.

Hase ahaatee madaxda heyadda tayo dhowrka Soomaaliyeed ayaa diiday isku day kasta oo burkaas lagu fasixi rabay, iyagoo ka cabsi qaba iney ka soo gaarto fadeexad ugu dambeyn horseeda iney waayaan xilalkooda,  waxayna ugu dambeyn ku wareejiyeen burkan dhacay ciidanka Booliska si loo gubo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Gabeyre iyo kooxdiisa aysan quusan, ayna isku dayayaan iney badbaadiyaan burkaas, welina wadaan dedaalo arrintaas la xiriira.

Ganacsatada magaalada Muqdisho intooda badan ayaa xiligii burburka iyo dowlad la’aanta caadeystay iney dalka soo geliyaan badeecado waqtigooda dhacay sida dawooyinka, cuntada iwm, iyagoo fiirsanaya danahooda dhaqaale, isla markaana ka faa’ideysanaya dowlad la’aanta iyo isla xisaabtan la’aanta ka jirtay dalka.

Hadda oo ay dalka ka jirto dowlad la isku haleyn karo ayaa ganacsatadan oo doonaya wixii ay barteen xiligii dowlad la’aanta waxay isku dayayaan iney handadaan nidaamka dowliga ah, dalkana soo geliyaan waxyaabo dhacay, iyagoo isku haleynaya qabiil, dhaqaalaha faraha badan ee ay heystaan iyo saaxiibo dhow oo ay ku leeyihiin madaxda dowlada Somalia.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA BURKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Kampala, Ugandha
[email protected]

– Advertisement –