Puntland oo maanta laga daah-furay mashruuc faa’iido badan u leh xoolaha (Sawirro)

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta daah-furay ololaha taageeridda daaweynta xoolaha Puntland, kaasoo la gaarsiin doono wajiga kowaad 750,000 oo neef, isla markaana kamid ah xoolaha ku dhaqan gobolada Puntland.

Munaasabadda daah-furka waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dowladda Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf (Buux), Wasiirka Caafimaadka Siciiid Qorsheel, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Maxamed Jaamac iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xageenka  Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu saaka anba bixiyo dhaqaatiirta daaweynaysa qaar kamid ah xoolaha Puntland, waxa uu sheegay in xooluhu ay yihiin laf dhabarta dhaqaale ee dalka, isla markaana ay inoo leeyihiin faa’iidooyin badan, sidaas darteedna loo baahan yahay in laga warqabo Xoolaha Caafimaadkoda.

Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa neefkii ugu horeeyay Tallaalka siiyay, dhaqaatiirta ayuu kula dar-daarmay inay xil iska saaaran howsha loo igmaday,waxaana uu bogaadiyay Wasaarada Xanaanada Xoolaha dowladda Puntland oo qorshahaan soo diyaarisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –