Raysal Wasaare Xamse oo magaalada Nairobi kulan kula qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya

Arbaco, May, 8, 2024 (AX) – Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa halkaas Xalay kulan kula qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya.
Raysal Wasaare Xamse ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya kala hadlay kaalintooda ku aaddan dib u dhiska iyo horumarka dalka, isagoona warbixin guud ka siiyay xaaladda dalka, fursadaha la heli karo, caqabadaha ku gadaaman dowlad dhisidda iyo dadaalada Xukuumaddiisa ay ku howlan tahay ee la xariira taabagelinta hannaanka dowladnimada Soomaaliya.
Xamse Cabdi Barre ayaa ka dalbaday ganacsatada in kaalin wanaagsan ay ka qaataan xoojinta maalgashiga dalka iyo hirgelinta barnaamijyo shaqo abuur u noqon kara dhallinyarada Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku wajahaya shaqo la’aanta baahsan.
“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada in ay maalgashi ku sameeyaan gudaha dalka, tanoo abuuri karta fursado shaqo. Maalgashigaani wuxuu fursad u yahay in laga faa’iideysto xubinimadeenna Suuqa Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo ah suuq cusub oo horseedi kara horumar dhaqaale oo ballaaran” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa dhankooda Raysal Wasaaraha Soomaaliya la wadaagay talooyin ku aaddan dowlad dhiska iyo horumarinta dalka, iyagoona bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay gaartay Xukuumadda DanQaran, muddada labada sano ku dhow oo ay shaqeynaysay.
Ugu dambeyntii Raysal Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay ganacsatada dadaaladooda la xiriira adkeynta dowladnimada iyo gurmadka ay u sameeyaan shacabka Soomaaliyeed, marka ay dhibaatooyinka dhacaan gudaha dalka.
Kulankaan waxaa Raysal Wasaaraha ku wehlinayay qaar ka mid ah Xubnaha Golihiisa Wasiirada oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi, Gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed, Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Cismaan Cigaal.