Raysal Wasaare Xamse oo Kenya uga qeyb galaya shirka guddiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Kenya

Isniin, April, 6, 2024 (AX) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo halkaas uga qayb-galaya shirka guddiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Kenya.
Ra’iisul wasaare Xamse iyo madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua, ayaa si wadajir ah u shir guddoomin doona shir heer wasiir ah oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga amniga, ganacsiga, iyo xuduudaha ee labada dal.
Xamse ayaa la filayaa inuu la kulmo wakiillo ka socda ururada ganacsiga Kenya, isagoo kala hadlaya, sidii suuqyo loogu furi lahaa xoolaha Soomaalida, wax soo saarka kalluunka, iyo dhoofinta kale ee beeraha.
Kenya ayaa taas beddelkeeda waxay doonaysaa  inay kordhiso ganacsigeeda uu kamidka yahay Qaadka, iyadoo dowladda Kenya ay sheegtay inay Soomaaliya la galayso heshiis cusub oo ku saabsan Qaadka.
Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona hay’adaha Qaramada Midoobay, NGO-yada, iyo mas’uuliyiinta Kenya, kulamadaas oo sida dowladdu sheegtay qeyb ka ah, isku xirka dadaallada ku aaddan bixinta gargaarka cuntada, horumarinta maamulka biyaha, iyo xoojinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.