RASMI: Barcelona Oo Heshiis Wakhti Fog Ah Ka Saxiixatay Gavi.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub oo wakhti dheer ah ka saxiixatay xiddiga Khadka dhexe ee Gavi.

Inkasta oo uu bishii hore noqday 18 sano jir hadana xiddiga khadka dhexe ayaa haatanba ka mid ah xiddigaha ugu fiican Barcelona.

Guud ahaan xiddiga Gavi ayaa kooxd 1-aad u saftay 53 kulan tartamada oo dhan iyada oo xiddiga da’yarka ah dhaliyay 2 gool halka uu caawiyay 6 kale.

Xilli arintiisa si dhaw ula socdeen kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga.

Xiddiga Gavi ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2026 ah si uu u sii joogo kooxda 4 sano oo kale.

Sidoo kale kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in ay heshiiska Gavi ku xidhay lacag dhan 1 bilyan oo euro oo lagu bur- burin karo heshiiskiisa kooxda Barcelona.