Casemiro Oo Ka Hadlay Nolosha Man United.

Casemiro ayaa soo jeediyay inuu haatanba la qabsaday nolosha Man United.

Kadib sagaal sano oo joogay Real Madrid xiddiga khadka dhexe ayaa xagaaii ku soo biiray Man United.

Xiddiga khadka dhexe ayaa doortay in uu isaga tago Real Madrid oo ka ciyaraysa champions League isaga oo ka doortay ku biirista United oo ka ciyaaraysa Europa League.

Xiddiga 30 jirka ah oo ka hadlaya noloshiisa Man United ayaa yidhi”Man United waa koox aad fiican, runtii waa koox saaxibtinimo ah waxana aan halkan ku dareemayaa raaxo”.

“Waxa la i dareensiiyay raxo tan ilaa maalinti aan imid kooxda, aad ayaan ugu faraxsanahay saaxibadyada cusub, mar walba way i caawinayaan”.

“Shaqaalaha tababarku mar walba waxa ay si cad wax iigu sharaxayaan, shaqo fiican ayaanan hayaa haatan waanan ku faraxsanahay halka”.