Dhismayaal cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta Miino baarista Booliiska oo xarigga laga jaray (Sawirro)

Wasiirka amniga gudaha XFS Md. C/llaahi Shiikh ismaaciil (Fartaag) ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta baarista Miina Baarista ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Xarigjarka dhismayaasha cusub ee lagu soo kordhiyey qeybtaan ayaa waxaa goob joog Ahaa Taliyaha Ciidinka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub axmed Firin iyo Taliye Xigeenka Boliiska S/Guuto Zakia Xussen Axmed iyo Marti Ka socotey Hay’addaha Caalamiga ah.

S/Guutu Sulub Axmed Firin Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo munaasabada ka hadaly ayaa qiray in saraakiisa Iyo ciidanka boliiska ee ka howlgala xaruntaan ay yihiin Badbaadiyahaasha Bulshada.

Isaga oo xusay in xili kasta ay diyaar u yihiiin ka hortaga shagaraha Khawaarijta ay u soo maleegeyso dadka rayid ah.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS S/guuto C/llaahi Shiikh ismaaciil (Fartaag) oo ayaa u mahadceliyay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, sigaar ahna ugu Mahadceliyay Saraakiisha iyo Askarta Xaruntan ee marwalba qatar u giliya nafsadooda sidii ay u badbaadin lahaayeen bulshadooda .

Xuruntaan Lagu soo Kordhiyey Dhismayaasha Cusub ayaa Halbowle u ah Sugida Amniga Guud ahaan Dalka Gaar Ahaan Caasimada Moqdisho .

Ugu dambeyn Wasiirka iyo Taliyaha ayaa si gaar ah uhu mahadceliyay dowladda Japan oo gacan ka geestay hirgelinta xaruntaan oo muhiimad gaar ah u leh ciiidanka boliiska iyo shacabka Soomaaliyeed.

– Advertisement –






Previous articleSomaliland oo beesha Caalamka ugu baaqday in ay soo faragaliyaan Tacadiyo Muqdisho loogu …