Putin oo Mareykanka ku eedeeyey dagaalka Falastiin

Published: October 11, 2023

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Maraykanka ku eedeeyey dagaalka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Falastiniyiinta iyo Israa’iil, hadalkiisii ugu horreeyay ee fagaare ah tan iyo markii bilowday dagaalka Gaza.

“Waxaan u maleynayaa in dad badan ay igu raaci doonaan in tani ay tusaale cad u tahay fashilka siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe,” Putin ayaa hadalkan ku dhawaaqay xili uu shalay kulan la yeelanayey Raysalwasaaraha Ciraaq Mohammed Shia’ Al-Sudani.

Putin iyo dhiggiisa Ciraaq ayaa ku kulmay magaalada Moscow si ay uga wadahadlaan khilaafka hadda u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Hadalada Putin waxaa kamid ahaa: Maraykanku wuxuu isku dayey in kaligiis looga danbeeyo xalka Falastiin, laakiin nasiib darro muusan keeni “Xal” ay aqbali karaan labada dhinac, balse Maraykanku waxa uu taageero buuxda u hayaa hal dhinac, isagoo aan wax tixgelin ah siineyn danaha aasaasiga ah ee Shacabka Falastiiniyiinta,”

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo xalay shir jaraa’iid qabtay ayaa markale ku dhawaaqay taageerada uu u hayo Israa’iil, isagoo sheegay in Maraykanka uu gurmad deg deg ah oo militari la gaari doono Israa’iil si ay isaga difaacaan Xamaas, Biden ayaan gebi ahaan soo hadal qaadin duqeynta Israa’iil ku wado Gaza iyo khasaaraha soo gaaray shacabka reer Falastiin.

Horseed Media