Israel oo hub laga mamnuucay Caalamka ku duqeynaysa shacabka Falastiin

Warbaahinta maxaliga ee Falastiin ayaa sheegtay inay milliteriga Israel u adeegsadaan bambooyinka laga farsameeyey Kiimikada Khatarta ee Fosfuriska Cad  (White Phosphorus) oo laga mamnuucay guud ahaan caalamka.

Hubkaasi lagu mamnuucay sharciga xuquuqda aadanaha ayaa waxay diyaaradaha dagaalka israel u adeegsadaan duqeymaha ba’an ee ay ku hayaan dhismayaasha rayidka ee ku yaalla magaalladda Qasa oo maalintii 5-aad lagu hayo duqeymo aan kala-joogsi lahayn.

Wararka ka imaanayo deegaanka Al-Yarmouk ee Qasa waxay duqeymaha Israel ee loo adeegsaday hubkaasi Fosfarka Cad (phosphorus) lagu burburiyay xoogan  Masjid Afar Dabaq ahaa oo dhulka lala simay iyo dhismayaal kale.

Kumanaan qof ayaana ka cararay guryahooda, kadib, markii diyaaradaha dagaalka Israel ay jubkaasi Kiimilada ah ku duqeeyeen dhismayaasha ay dadka Rayidka deganaayeen.

Si kastaba ma aha markii u horeysay ee ay milliteriga Israel adeegsadaan hubkaasi, waxayna horey u adeegsadeen dagaalkii 22-ka maalmood socday ee ay mukhaawamada Falastiin la galeen muddadii u dhexeysay bishii December 27-dii ee sanadkii 2008-dii ilaa bishii January 18-dii ee sanadkii 2009-kii.

W/T Ustaad Nuuradiin Abuukar

– Advertisement –






Previous articleTirada Shacabka Falastiin ee ku dhimanaya Duqeymaha Israel oo sii korortay