Puntland oo shaacisay in ay gacanta ku dhigtay Horjoogayaal ka tirsan Daacish

Ciidamada Booliska Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen horjoogayaal ka tirsan maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen laba horjooge oo ka tirsan maleeshiyaadka Daacish.

“Taliska qeybta Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa deegaanka Bohol oo ka tirsan degmadda Uffayn Gobolka Bari ku qabtay Horjoogayaal ka tirsan kooxda Argagixisada ISIS/Daacish”.

“Horjoogayaasha la qabtay ayaa kala ah Xassan Ibnu Maxamed Ibnu Xussein oo u dhashay dalka Morocco iyo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Suuriya” ayaa lagu yiri Qoraalka Booliska.

PUNTLAND POST