Dowlada Soomaaliya oo shaacisay qiimaha Xajka ee sanadka 2024ka

Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saartay qoraal ku saabsan  qiimaha ay ku xajin doonaan xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 2024.

Qoraalkan oo ku socday Shirkadaha fuliya adeegga xajka ayaa lagu wargaliyay in qiimaha xajka ee sanadkaan uu noqon doono 4430 dollarka Mareykanka qofkiiba

Qoraalkaan ayaa soo baxay kadib markii guddi khubarro ah oo loo xilsaaray arrimaha xajka ay muddo laba bilood ah ku soo diyaariyeen qiimaha suurtagalka ah ee ku bixi kara xujeyda Soomaaliyeed ee doonaya in ay ugu safraan Dalka Sacuudiga carabiya si ay u soo gutaan cibaada xajka.

Qiimahan ayaa wax yar ka hooseeya qiimahii xajka ee sanadkii hore inkastoo dad badan ay qabaan inuu weli yahay mid aad u sareeya marka la eego dalalka kale ee la midka ah Somalia sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

HOOS KA DAAWO HADALKA GUDDIGA

– Advertisement –






Previous articleBaaritaan ku socda Wasiirad shaqadeeda ku weysay faeeexad la soo deristay