Muxuu yahay heshiiska cusub ee dowlada Soomaaliya dhowaan la galayso Kenya?

Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa kala saxiixan doona 8da bisha soo socota ee Maajo sida uu sheegay Xoghayaha beeraha iyo xanaanada xoolaha ee Kenya Mithika Linturi.

Heshiiskan ayaa khuseeya dhoofinta qaadka ah  eeSoomaaliya, si loo xaqiijiyo faa’iido dhaqaale, loona abuuro hanaan sharci oo ganacsiga qaadku ku shaqeeyo.

Mr Linturi wuxuu hoosta ka xariiqay in qaadku uu laf-dhabar u yahay dhaqaalaha degmada Meru, kaasoo waxtar u leh nolosha dad badan oo degmadaas ku nool.

Xoghayaha wuxuu u ballan qaaday dad uu la hadlayey in xukuumaddiisa ay diyaar u tahay in ay ilaaliso danahooda.

Sannadihii u dambeeyey waxaa ganacsiga qaadka ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya hareeyey khilaaf soo noqnoqonayey, horena uma aysan jirin heshiisyo qaadka la xiriira oo ay labada dhinac wada galeen.

Kenya ayaa maalin kasta Somalia u dhoofisa shixnado qaad ah oo ay ka hesho dhaqaale boqolaal kun gaaraya, iyadoo aysan jirin wax u dhigma oo Soomaalidu u dhoofiyaan Kenya.

Abuukar Cawaale oo ah nin muddo 10 sano ka badan u ololeynayey in qaadka la mamnuuco. Wuxuu aaminsan yahay in qaadku uu yahay daroogo dunida mamnuuc ka ah.

“Waa ayaan darro weyn in dawladeenna ay dawlad kale heshiis kula gasho daroogo adduunyada inteeda kale mamnuuc ka ah” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku sii daray in “aysan haboonayn in dawlad kale heshiis lagula galo dhibaataynta shacabka”.

Abuukar Cawaale oo wax laga weydiiyey in sida ay noqon karto xaaladda dadka noloshoodu ku tiirsan tahay ganacsiga qaadka, si toos ah ama si dadban, ayaa intaa ku daray in khasaarihiisa uu ka badan yahay faa’iidada laga helo. “Dadka ka manaafacaadsada qaadka waxaa aad uga badan dadka uu dhibaatada ku hayo”.

– Advertisement –