Ciidamada Israel oo duqeymihii ugu xumaa ka geystay woqooyiga Gaza (Sawirro)

Ka dib ku dhowaad 7 bilood oo dagaalka Qaza uu socday ayaa militariga Israa’iil waxa ay qaadeen duqeymihii ugu cuslaa todobaadyo gudahood. Inta badan duqeymaha ayaa ka dhacay waqooyiga dhulkaas.

Afhayeen u hadlay milatariga isra’iil ayaa sheegay in la bartilmaamedsaday shan iyo labaatan goob oo ay ku jiraan saldhigyo indho-indhayn ciidan iyo goobo laga gamo gantaallada oo ku yaala koonfurta dalkaasi.

Duqeymo cirka ah iyo duqeymo ka dhacayay taangiyada dhulka ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa deegaano dhaca bartamaha iyo koofurta, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in duqeymo aan kala joogsi laheyn.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada afhayeenka ciidamada Israa’iil Avichay Adraee ayaa ku booriyay dadka deggan afarta aag ee waqooyiga Gaza inay u guuraan laba aag oo loo cayimay.

Waxa uu sheegay in militarigu ay adeegsanayaan awood xad dhaaf ah oo ka dhan ah wax uu ugu yeeray kaabayaasha argagixisada iyo kuwa qaswadayaasha ah.

Duqeymaha ka soo cusboonaaday waqooyiga Qaza ayaa imaanaya ku dhawaad afar bilood kadib markii ciidamada Israel ay ku dhawaaqeen inay ciidamadooda kala baxayaan halkaasi, iyagoo sheegay in Xamaas aysan hadda maamulin deegaanadaasi.

Bishan, Israa’iil waxay sidoo kale la baxday inta badan ciidamadeeda koonfurta Gaza. Balse dadaallo lagu doonayay in xabad joojin lagu gaaro ayaa guul dareystay, waxaana duqeymaha ay Israa’iil ku heyso dhulkii ay ciidamadeeda kala baxday ay ku adkeynaysaa dadka Gaza ka barakacay in ay ku laabtaan guryahooda.

Qiiq madow oo qaro weyn ayaa lagu arkaya waqooyiga Qaza oo ka soo talaabaya xadka koonfureed ee Israel. Duqeymaha ayaa ahaa kuwo aad u xooggan bariga Beit Hanoun iyo Jabalia waxayna sii socdeen talaadadii goobaha ay ka mid yihiin Zeitoun, oo ka mid ah xaafadaha ugu da’da weyn magaalada Gaza, iyadoo dadka deegaanka ay soo wariyeen ugu yaraan 10 weerar oo ilbiriqsiyo gudahood ah.

Dhinaca kale, kooxda Xisbullah oo kordhisay weerarrada gantaalaha ee Israa’iil ayaa ku dhawaaqday dhimashada laba ka mid ah xubnaheeda, oo mid ka mid ah lagu dilay duqayn ay Israa’iil ka geysatay meel u dhow magaalo-xeebeeddka Tyre ee Lubnaan.

– Advertisement –