Muqdisho: Dilal argagax leh oo mar kale ka dhex dhacay lamaaneyaal Soomaaliyeed

Haweeney iyo labo wiil oo ay dhashay ayaa la xaqiijiyey iney ku dileen degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ninkii iyada qabay oo sidoo kale adeer u ahaa caruurteeda.

Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu wax ka soo koriyey wiilasha uu adeerka u ahaa ee uu hooyadood qabay.

Wararka ayaa sheegaya in ka dib khilaaf soo kala dhex galay qoyskan ay wiilasha iyo hooyadood qol ku soo xirteen ka dibna dileen ninkan, iyagoo dilkiisa u isticmaalay toorey ama mindi sida dad degaanka laga soo xigtay.

Waxaa goobta ka baxsaday oo aan gacanta lagu heynin hooyada iyo wiilasha lagu tuhunsan yahay iney dileen ninkan aabaha u ahaa qoyska.

Sidoo kale, isla xalay waxaa xaafada Daarus salaam ee degmada Yaaqshiid ka dhacay dil fool xun oo loo geystay haweeney laheyd uur 8 bilood ah, waxaana hoygeeda laga helay meydkeeda oo ay ku yaalaan dhaawacyo halis ah.

Weli ma cadda cida ka dambeysay dilka haweeneydan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in loo xiray labo haween ah oo guriga la degenaa iyo nin aan la sheegin waxaa uu yahay, iyadoo illaa hadda booliska aysan faahfaahin ka bixin.

Dhacdooyinkan ayaa qeyb ka ah dilal argagax leh oo todobaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo meelo kale kuwaasoo ka dhex dhacay lamaaneyaal Soomaaliyeed oo nolosha wadaagay.

Shalay ayey aheyd markii la qabtay haweeney lagu eedeeyey iney ninkeeda oo askari ahaa ku dishay xerada badbaado ee magaalada Muqdisho, waxaana ka sii horeeyey dhacdooyin la mid ah oo ay ugu weyn tahay tii lagu gubay marxuumad Luul Jazeera oo ninkii qabay uu dab qabadsiiyey ka dib markii ku gubay guriga iyadoo uur u laheyd, eedeysanaha ayaa hadda ku jira gacanta laamaha amniga.

– Advertisement –