Mohamed Salah Oo Isha Ku Haya In Uu Ka Boxo Rikoodh Xun Kulanka Ajax

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa kulanka caawa ee champions League isha ku haya in uu soo af jaro gool la’aantiisa champions league marka uu ka hor tagayo Ajax.

Kadib markii uu 31 gool dhaliyay 51 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, Salah ayaa heshiis 3 sano ah u saxiixay kooxda Liverpool.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa kaliya dhaliyay 2 gool 2 kalena caawiye ka noqday 6 kulan oo premier League ah waxana uu ku dhibaatoonayaa in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.

Salah ayaan wax gool ah dhalin kulankii 1-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League xilli ay Reds guuldaro weyn la kulantay.

Arintaas ayaa la macno ah in uuna Mohamed Salah wax gool ah dhalin 6 kulan oo premier League ah waana rikodhkii ugu xumaa intii u dhexaysay 2013 iyo 2015 markaas oo uu joogay Roma.

Salah ayaa wakhtigaas ka baxay gool la’aanta kulan uu ka dhaliyay gool kooxda Bayer Leverkusen laakiin Salah ayaa haatan 8 kulan noqon kara gool l’aan hadii uuna caawa ka dhalin Ajax.