Arsenal Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Thomas Partey.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Thomas Partey ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaawacii bawdada ka soo laabanayo kulanka Axada ee ay Gunners la ciyaari doonto Brentford.

Xiddiga reer Ghana ayaa muhiim ka ah kooxda Mikel Arteta marka uu Taamka yahay laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooda in uu taam ka ahaado dhaawca labadii sano ee uu joogay kooxda.

Tan ilaa markii uu Arsenal kaga soo biiray Atletico Madrid sanadkii 2020, Partey ayaa ciyaaray 62 kulan waxana uu dhaliyay 2 gool halka uu caawiyay 4 kale waxana uu dhaawac ku seegay 36 kulan.

29 jirka ayaa dhaawac bawdada ah ku maqnaa muddo bil ah isaga oo seegay 4 kulan oo ay kooxdiisu ciyaartay tartamada oo dhan.

Laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa haatan taam noqday waxana uu diyaar u yahay in uu kooxdiisu ku soo laabto kulanka Brentford sida laga soo xigtay Goal.

Xiddiga reer Ghana ayaa la filayaa in uu kaydka ka soo muuqdo kulanka Brentford ee Axad kulan ka tirsan todobaadka 8-aad ee horyaalka premier League.