Mohamed Aboutrika Oo Saadaaliyay Semi-Final-ka Iyo Final-ka Koobka Adduunka, Ayuu U Saadaaliyay?

Halyeeyga reer Masar ee Mohamed Aboutrika ayaa saadaliyay Semi-final-ka iyo Final-ka koobka adduunka lagu qaban doono dalka Qatar.

Muddo todobaadyo ah ayaa inaga xiga in la bilaabo koobka adduunka Qatar 2022 waxana fooda isku dari doona xulalka gu awooda badan kubada cagta.

Mohamed Aboutrika oo ka mid noqon doona falanqeeyayaasha koobka adduunka ayaa saadaaliyay xulalka isugu iman doona Semi-final-ka iyo final-ka koobka adduunka.

Sidoo kale Mohamed Aboutrika ayaa saadaaliyay xulka ku guulaysan doona koobka adduunka sanadkan ka dhici doona dalka Qatar.

Mohamed Aboutrika oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Semi-final-ka koobka adduunka waxa isugu iman dona Brazil Vs Argentine, iyo France Vs Spain”.

“Kadib Final waxa iska xaadirin doona xulalka Argentine iyo Spain waxana koobka ku guulaysan doona Argentine”.