Haaland Oo Magacaabay Xulka Africa Ee Wacdaraha Ka Dhigi Doona Koobka Adduunka.

Inkastoo uu ka maqan yahay Koobka Adduunka, maadaama Norway ay ku guuldareysatay inay soo baxdo, laakiin xiddiga ayaa fikradiisa shaqsiga ah ka dhiibtay xulka Africa ka soo jeeda ee qaab ciyaareedka fiican ku soo bandhigi doona koobka adduunka.

Qaarada Madaw waxa koobka adduunka u matali doona xulalka Morocco, Tunisia, Ghana, Cameroon iyo Senegal kuwaas oo isha ku haya in ay meel fiican ka gaadhaan tartanka.

“Waxa aan Saadaalinayaa in uu Xulka Senegal si fiican u ciyaaro koobka adduunka, sababta oo ah waxa ay leeyihiin xiddigo fiican waana xul adagg”ayuu Haaland u sheegay Super Sport.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Fikradayda shaqsiga ah, Senegal waxa uu noqon doonaa xulka ka soo jeeda Africa ee meesha ugu fiican ka gaadha koobka adduunka”.

Xulka Senegal ayaa ku jira Group-ka A iyaga oo ay wehelinayaan xulka marti galinaya koobka adduunka ee Qatar, Xulka Ecuador iyo xulka Netherland.