Miyuu Cristiano Ronaldo Ka Tagayaa Man United Saacadaha Ka Dhiman Suuqa Xagaaga?

Cristiano Ronaldo ayaa u muuqda mid sii joogi doona kooxda Man United suuqa kala iibsiga xagagan iyada kooxda lagu daray liiska xiddigaha Man United ee ka hor tagi doona Leicester City caawa.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa si weyn loola xidhiidhinayay ka tagista Man United suuqa xagaagan oo dhan iyada oo uu xiddigu doonayay in uu ka ciyaaro koox champions League ka ciyaarta.

Laakiin Man United ayaan helin wax dalab ah oo ku aadan xiddiga Cristiano Ronaldo iyada oo ay iska diideen kooxo badan oo reer yurub ah.

Si kasta ha ahaatee Man United ayaa aaminsan in uu Cristiano Ronaldo sii joogi doono kooxda Man United xilli ciyaareedkan.

Cristiano Ronaldo ayaa ka qayb ahaan doona xiddigaha ka hor tagi doona Leicester City kulan ka tirsan horyaalka premier League.