Miyay Man United La Soo Saxiixanaysaa Weeraryahan Cusub Suuqa January? Ten Hag Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Man United ee Erik ten Hag ayaa meesha ka saaray in uu weeraryahan la soo saxiixan doono ka hor inta uuna xidhmin suuqa January inkasta oo uu Anthony Martial ka maqan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu aaminsan yahay in Marcus Rashford uu mararka qaarkood ka ciyaari karo booskaas hadii loo baahdo.

“Waan eegay sidaas darteed ma jirto boos aan ku samayn karno saxiix cusub kadib xaalada dhaqaale ee kooxda”.

“Dabcan Rashford ayaa ka ciyaari kara weerarka waxana aan haysanaa dookhyo kale inta uu maqan yahay Anthony”.

Rasmus Hojlund ayaa dhaliyay 7 gool tartamada oo dan xilli ciyaareedkan isaga oo hogaamiaya weerarka kooxda.