Maxkamad ku taala Laascaano oo xukun ku riday xad lagu eedeeyey inay xirteen Calanka Soomaaliland.

Maxkamadda Darajada 1aad ee obolka Sool  ayaa maanta Xukun ku riday 4 qof oo lagu eedeeyey inay xirteen Calanka maamulka Soomaaliland.

Shaqsiyaadka la xukumay ayaa lagu magacaabaa   Xamdi Cawil maxamuud, Nimco Jamaal Maxamed, khadar Cawil Cal, Cabdiwali Jaamac Xasan.

Waxaa midkiiba lagu Xukumay Saddex sano (3 Sano)Oo Xarig ah iyo ganaax dhan 500$ Dollar midkiiba.

Deegaanada maamulka SSC-Khaatumo ayaa waxaan laga ogolayn in laga xirto wax astaan ah uu leeyahay maamulka Soomaaliland kadib markii laga saaray deegaanadaasi.

PUNTLAND POST.