Maraakiibta dagaalka Ruushka oo gaaray xeebaha dalka Eritrea

Maraakiib dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa lagu soo warramayaa in ay ka gudbeen marinka Bab al-Mandab islamarkaana galeen badda cas.

Ciidamada badda Ruushka ee Pacific Fleet ayaa laga soo xigtay in maraakiibtooda dagaalka ay ka gudbeen marinka Bab al-Mandab, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS.

Dawladda Eritrea, ayaa dhankeeda shaacisay in markabka dagaal Ruushka ee Marshal Shaposhinkov inuu soo gaaray xeebaheeda kaaso ka mid ah maraakiibta Ruushka ee soo galay badda cas.

Markabka Marshal Shaposhinkov, waxaa la sheegay in uu magaalada Massawa ee Eritrea , kaga qaybgalayo sannad-guurada 30-aad ee xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo Eritrea, halkaa oo uu ku sugnaan doono muddo shan maalmood ah.

PUNTLAND POST