Madaxweyne Deni oo la kulay Lionel Laurens iyo wafdi uu hoggaaminayay (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Lionel Laurens iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda, ayaa looga hadlay sidii loo sii dardargelin lahaa Mashaariicda horumarin ee Hay’adda UNDP kala shaqeyso Hay’addaha maamulka iyo xoojinta wada shaqeynta Puntland iyo UNDP.

Sida aan xogta ku helnay Madaxweyne Deni ayaa kala hadlay madaxda haya’adda UNDP uu la kulmay sidii mashaariicda iyo barnaamijyada kale ay ka fuliyaan Puntland loogu madax banaaneen lahaa ayna toos ugula macaamilaan Puntland.

Maamulka Puntland ayaa xiriirka wada shaqeyn u jaray dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ayna Puntland doonayaan in si toos ah ula macaamilaan hay’adaha iyo dowladaha deeq bixiyaasha iyo kuwa fuliya mashaariicda horumarineed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleGanacsade caan ah oo maanta wareejiyay Gaadiid dagaal iyo hub badan uu lahaa (Sawirro)