Ganacsade caan ah oo maanta wareejiyay Gaadiid dagaal iyo hub badan uu lahaa (Sawirro)

Ganacsadaha caanka ah ee reer Laascaanood Xaaji Maxamed Jabuutiwaai ayaa maanta maamulka Khaatumo iyo waxgaradka gobolka Sool , ku wareejiyay gaadiid dagaal iyo hub fara badan uu lahaa ganacsadaha.

Munaasabad ka dhacday magaalada Laascaanood ayna joogeen madax katirsan maamulka Khaatumo, saraakiil ciidan iyo odayaasha dhaqanka gobolka Sool ayuu ganacsade Maxamed Jabuuti ku wareejiyay ku dhawaad 20-gaari oo nuuca dagaalka ah.

Ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu go’aansaday in gaadiidka dagaalka iyo hubkii uu lahaa maanta laga bilaabo uu ku wareejiyay maamulka Khaatumo laguna xisaabtami doono maamulkaasi.

Waxa uu sheegay ganacsadaha in uu go’aansaday in Xajka aado uuna iska cibaadeesto, isagoona tilmaamay waxii hadda ka dambeeya gaadiidkaasi dagaalka iyo hubka uu wareejiyay lagula xisaabtamayo maamulka Khaatumo State.

Ganacsadaha maanta wareejiyay hubkii iyo gaadiidkii dagaalka uu lahaa ayaa kamid ahaa dadkii gacanta weyn ku lahaa dagaalkii magaalada Laascaanood looga saaray maamulka Somaliland oo sannado badan maamuleysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleLix Madaxweyne kaliya oo ka qeyb galay Shirka Ururka OIC iyo madax badan oo baaqatay