Madasha Dhaqaalaha Adduunka: Sacuudi Carabiya oo ka digtay burbur dhaqaale oo ka dhasha dagaalka Gaza

Published: April 28, 2024

Shirka Dhaqaalaha Adduunka oo maanta oo Axad ah ka furmay magaalada Riyad ayaa si weyn diirada loogu saaray xaalada dagaalka ka socda dhulka Gaza ee Falastiin.

Dagaalka Gaza oo ay weheliyaan iskahorimaadyada Ukraine iyo meelo kale ayaa “cadaadis badan” saaray “dhaqaalaha”, ayuu Wasiirka Maaliyadda Sacuudiga Mohammed al-Jadaan ka sheegay mid ka mid ah doodihii ugu horreeyay ee labada maalmood ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF).

Dowlada Sacuudi Carabiya ee shirkada marti gelineysa ayaa ku baaqday “xasiloonida” Bariga Dhexe, isla markaana ka digtay saameynta dagaalka Israel iyo Xamaas inuu dhaqaale burbur ku keeni karo gobalka iyo caalamka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken, madaxda Falastiiniyiinta iyo saraakiil sarsare oo ka socda dalal kale oo isku dayaya inay xabbad joojin ka dhex dhaliyaan Israa’iil iyo Xamaas ayaa kamid ah martida shir madaxeedka Riyadh.

Horseed Media