Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Dhaqangelinta Heshiiska aynu la Galnay Itoobiya iyo Muranka ka taagan Hawada

Itoobiya wixii u darnaa oo Bad ah iyo Wixii Somaliland u darnaa oo Ictiraaf ah waanu is waafajinay”

 

Waa markii ugu horraysay ee aynu hayno dawlad Afrikaan ah oo xoog leh oo ku dagallamaysa  oo caddaysanaysa Ictiraafka Somaliland”

 

“Waxaan kuugu darayaa arrinta hawadduna way soconaysaa oo waan kaa joojinaynaa diyaaradaha weligaaba war-wereeg” 

 

 

“Xasanow Dilka aad Xamar ku dishay ninka reer Somaliland godobtiisu adiga ayey ku fadhidaa

Qore: Cumar M. Faarax

 

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyay in la dhaqan gelinayo heshiiskii ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya, Waxa kaloo uu si adag uga hadlay dilkii arxandarrada ahaa ee Muqdisho loogu geystay muwaadin marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo kasoo jeeda Somaliland iyo doodda muddooyinkan ka taagnayd maamulka hawada.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey madal uu shalay ku qaabilay ciyaaryahanno reer Somaliland ah oo ka yimi dalka UK, ayaa sidoo kale jawaab adag ka bixiyey hadallo gef ah oo muddooyinkanba ka yeedhayay madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si hufan uga hadlay heshiiska dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ethiopia, waxana uu caddeeyey inuu heshiiskaasi fulayo oo uu yahay mid danaha labada dal salka ku haya, si weynna looga baaraan degay, waxaannu yidhi,“Waa markii ugu horraysay ee aynu hayno dawlad Afrikaan ah oo xoog leh oo ku dagallamaysa  oo caddaysanaysa annagu Somaliland waanu ictiraafaynaa, in badan oo ay soo socotayna waxa arrintaas qayb weyn ka qaatay dhallinyaro qurbajoog ah. Tan Itoobiya markii cabbaar la wada hadlay addduunyada nin waliba dantiisa uun buu raacaa oo adduunyada sadaqo la isma siiyo, awoodda aad leedahayna waa inaad Iibisaa, sidaas darteed qoladayada dawladda waxa ay nala noqotay in danta Ethiopia ay leedahay iyo danteenna aynu midowno oo aynu gorgortanno, adiga maxaa kuu daran, Bad si aan u gaadho, anigana ICTIRAAF baa ii daran, labadaasna waanu is waafajinnay oo waannu ku dhiirranay.”

Falcelinta uu heshiiska ka sameeyey horjoogaha Soomaaliya, ayuu madaxweynuhu ka hadlay, waxana uu sheegay inaanay ka talin karin dhaqangalka heshiiskaas oo ay Somaliland xaq u leedahay,“Arrintaas waxa kasoo baxay Soomaaliya oo qoladii Talyaanigu gumaysanayey ahi inay soo caddaysatay oo tidhaahdo waa gobollo annaga ah oo wax Somaliland la yidhaahdaa ma jiraan waxna ma goosan karaan mana talin karaan, cid la hadli maayaane annagaa joogna ee annaga nasoo mara, waana markii ugu horraysay ee uu soo baxo wejiga dhabta ah ee Soomaaliya,” ayuu yidhi  madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xusay in Xasan Sheekh si aan kala go’ lahayn ugu tiraabo hadallo deelqaaf ku ah qarannimada iyo sharafta Somaliland, ujeeddadiisuna tahay inuu saxeexa yeesho, taasina aanay suuragal ahayn, waxaanu yidhi,“Ilaa 1-dii January Xasan Sheekh wuxuu hadlay in ka badan 31 goor, maalin qudha ma le’din oo wax kasta oo gef ku ah qarannimadeenna iyo sharafta Somaliland ku ah, ayuu maalin walba ku hadlaa, mana odhan karo arrintaasi waa arrin dadka Soomaaliya joogaa ku soo heshiiyeen, laakiin qof caqligiisu taam yahay arrin uu ku kici karo ma aha, maalintii aan heshiiskaa soo saxeexayna Xasan waan u sheegay oo waxaan ku idhi waxaad la qaylinaysaa waa anigu aan saxeexo, taasina waxa ay ka dhigan tahay adiga oo lagu yidhaahdo anigu aan gurigaaga kuu maamulo, taasina wax la qaadan karo ma ah.”

Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia, ayuu madaxweynuhu bayaamiyay inuu fulayo, waxana uu madaxda Soomaaliya ee haatan ku hadaaqaya inay Somaliland dhulkeeda iyo dadkeeda lexejeclo u hayaan xasuusiyey Meesha uu dareenkaasi jirey xilligii diyaaradaha lagu duqaynayey maatida reer Somaliland,“Go’aankan iyo Heshiiskani  waanu fulinaynaa, waan kuugu celinayaaye wuu fulayaa, marka aad leedahay Somali baan ilaalinayaa oo badda Somaliland baan ilaalinayaa, adiga iyo  kuwa kula midka ahi markii diyaaraddu Hargeysa garaacaysay ee agoonta iyo waayeelku iyaga oo dariiq maraya oo ka cararaya lala daba joogay markaa miyaa ka naxayseen mise waad jeclaydeen,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale,  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay dilka axmaqnimada leh ee magaalada Muqdisho loogu geystay aqoonyahan Cabdinaasir Muuse Dahable oo kasoo jeeday Somaliland, waxana uu godobta geeridaas foosha xun dusha u saaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaannu yidhi,“Xasanow Dilka aad Xamar ku dishay ninka reer Somaliland godobtiisu adiga ayey ku fadhidaa, umana qabno inay innamo yar yar ka timi, umana qabno innamada loo xidh xidhay, weliba waxa weeye anigaa ku dilay, anigaa kuu garqaadaya, anigaana kuu go’aaminaya, waad Dabtay oo waad ciijisay oo si aan Bani’aadamnimo ahayn baad u dishay kuwii u soo gurmaday ee la haybta ahaana waad xidh xidhay oo waxaad tidhi iyagaa dambiile ah, waana Taariikh kuu qoran oo adiga kuu taalla.”

Madaxweynuhu waxa uu deedafeeyey doodda madaxda Soomaaliya adduunka u sheegaan ah ee isku xidhaysa ictiraafka Somaliland iyo koboco kooxda Al-shabaab, waxana uu hoosta ka xarriiqay in ictiraafka Somaliland adduunka ka caawinayo suulinta kooxaha Argagixisada ah, “Adduunka waxan leeyahay doodda uu Xasan meel walba la taagan yahay waa haddii ay Somaliland ictiraaf hesho waxa kor u kacaya Shabaabka, Xasanow garan maayo sababta ay Al-shabaab u kordhayso marka ay Somaliland Ictiraaf hesho. Somaliland marka ay Ictiraaf hesho xoog kuu gargaara oo wixii Argagixiso ah la dagaallama ayey noqonaysaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha oo ka hadlayay maamulka hawadda waxa uu yidhi “Waxaan kuugu darayaa arrinta hawadduna way soconaysaa. Waan kaa joojinaynaa diyaaradaha weligaaba war-wereeg.  Waxaan dadka Somaliland leeyahay maanta Xasan Sheekh waan ka adag nahay oo kabash-kabashi meelna ku gayn mayso. Waxaan leeyahay Xasan Sheekh waxba ha dhegaysanina waa ‘Cali Geellii ba’aye’. ”