Dad badan oo ku dhintay God Dahabka si sharci-darro ah looga qodayay

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay god dahabka si sharci-darro ah looga qodo oo kuyaalla gobolka Bolivar ee bartamaha dalka dhaca Latin Amerika ee Venezuela.

Inta la xaqiijiyay 14-qof oo kamid ahaa dadkii qodanayay dahabka sharci-darada ah ayaa godka ku geeriyooday, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo badan, kuwaa oo qaarkood dhaawacyo halis ah qaba.

Guddoomiyaha gobolka Bolivar ee bartamaha Venezuela, Angel Marcano ayaa warbaahinta u sheegay in godka kasoo saareen meydadka dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay, waxa uu intaa ku daray in ay jiraan dad kale oo wali ku go’doonsan.

Dowladda ayaana wada dedaalo samo tabixin ah dadka ku go’doonsan godka dumay, waxa ayna dadka deegaanka dowladda ka codsadeen in diyaarado usoo dirto maadaama deegaanka fog yahay ayna waqti qaadaneyso in doon lagu tago halkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleMilateriga Israel oo duqeeyey kolonyo gargaar gelisay Gaza (Sawirro)