Jubbaland oo qabatay rag abaabulayay weerarro burcad badeednimo ah

Axad, April, 5, 2024 (AX) – Ciidamada Booliiska ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay 4 nin oo looga shakisan yahay in ay yihiin Burcad Badeed, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen weeraro ay ku qaadaan Maraakiibta ku sugan Biyaha Soomaaliya.
Laba tuhmane ayaa la sheegay inay baxsadeen. Howlgalka ayaa ka dhacay deegaan magaalo xeebeedka Kismaayo u jira qiyaastii 70km oo ah dhanka koonfureed.
Laamaha amniga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen liis dheer oo ay ku jiraan shakhsiyaad saami ku lahaa maalgalinta howlaha burcad badeednimada ee la doonayay in laga sameeyo degaanada Jubbaland.
Taliyaha qeybta booliiska gobolka Jubbada hoose, gaashaanle sare Saddiiq Maxamuud, ayaa sheegay, in raggaan ay doonayeen inay qafaashaan maraakiibta iyo doonyaha badeecadaha u sida degaaanada Jubbaland.
Taliyuhu wuxuu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan eedeysanayaasha, lana horkeeni doono sharciga, wuxuuna intaas ku daray in maamulku la wareegidoono hubka iyo qalabka kale ee lagu qabtay howlgalka.