Israa’iil oo shacabka Gaza u sheegtay inay isaga guuraan xaafadaha Waqooyi

Published: October 13, 2023

Khalid Yussuf

FacebookTweet

Ciidamada Israa’iil ayaa Jimcihii ugu baaqay dhammaan dadka deggan waqooyiga magaalada Gaza inay ka baxaan guryahooda oo ay u guuraan koonfurta Gaza, xaafadaha Israa’iil sheegtay in la isaga guuro ayaa waxaa degan dad gaaraya 1.1 milyan oo Falastiiniyiin ah.

Hadalkan kasoo baxay Israa’iil ayaa kusoo beegmaya xili ay maalmihii lasoo dhaafay gaadiid dagaal iyo ciidamo badan soo dhoobtay xaduuda waqooyi ee Gaza, waxaana la filayaa inay isu diyaarinayaan inay duulaan dhulka ah kusoo qaadaan Gaza.

Marinka Gaza oo ah dhul cabirkiisa yahay 41km oo isku wareeg ah ayaa waxaa ku nool 2.3 milyan oo qof oo u badan dadkii horey looga soo bara-kiciyey dhulkii ay la wareegeen Israa’iiliyiinta, waxaana ku yaal xeryo qaxooti oo go’adoon ku jiray tan iyo sanadkii 2006.

Israa’iil ayaa tan iyo sabtidii lasoo dhaafay duqeyn ku waday Gaza, waxaana duqeyntaasi lagu dilay in ka badan 1500 qof, iyadoo lagu dhaawacay 6000 qof oo shacab u badan.

Israa’iil goobaha ay duqeysay waxaa kamid ah xaafada Rafah oo ku taal koonfurta Gaza oo ah halka looga gudbo dalka Masar, taasi oo gebi ahaan meesha ka saartay meesha in wadadaasi la adeegsan karo.

Xili biyihii iyo korontadii laga jaray shacabka Gaza, isla markaana ay buux dhaafiyeen isbitaalada Gaza dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayey muuqataa in xaalada bini’aadamnimo ee dhulkaasi kasii dari doonto, iyadoo aysan jirin meel ay u qaxaan dadka ay Israa’iil ugu goodineyso inay ka guuraan xaafadaha Waqooyi ee Gaza.

Afhayeenka Xamaas oo saaka oo Jimce ah shir jara’iid ku qabtay Gaza isagoo gacamihiisa kusita cunug kamid ah caruurtii duqeyntii ugu danbeysay lagu dilay ayaa sheegay inaysan meelna uga guuri doonin dhulkooda.

Horseed Media