Isma oga Deni iyo awood-daadejin

Waa isburin laga yaxyaxo in Madaxweyaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ku doodo hirgelinta dimuqraadiyad iyo awood-daadejin, isagoo ku caan baxay awood-urursi.

Madaxweyne Deni markii uu xilka la wareegay 2019, waxaa inta badan degmooyinka Puntland la haayeen goleyaal deegaan oo shaqaynaya, hadda oo laga jooga muddo afar sano ku dhow, waxaa 90% degmooyinka maamula guddoomiyeyaal uu magacaabay madaxweyne Deni.

Magaalooyinka waaweyn ee Puntland sida Baasaaso iyo Gaalkacyo muddo sanado ah ma la hayn gole deegaan, waxaa dhowr jeer loo magacaabay guddoomiyeyaal kala duwan, taas oo sababtay in aysan degmooyinkaas ka hirgelin mashaariic horumarineed oo la taaban karo. Sidoo kale Madaxweyne Deni wuxuu maalin ka hor kala diray golihii deegaanka degmada Garoowe oo lagu tilmaami jiray kuwii ugu waxqabadka wanaagsanaa ee soo mara caasimadda, isagoo baddelkeeda magacaabay guddoomiye ka yimid dhanka madaxtooyada.

Madaxweynuhu wuxuu jabiyay Xeerka Goleyaasha Deegaanka Puntland oo dhigaya: haddii la kala diro golaha deegaanka degmada sababo jira awgood, in gole cusub lagu soo dhiso 45 cisho gudahood. Inkastoo wareegtooyinka magacaabista guddoomiyeyaasha lagu xuso kumeel gaar, haddana waa kuwo rasmi ah oo aan dhicin ilaa wareegto kale xilka looga qaado.

Tusaalaha kale waa doorashadii guddoonka degmada Eyl iyo boobkii uu ula bareeray Madaxweyne Deni, taas oo sababtay in qaar ka mid ah ururada siyaasadda iyo dadweynaha qaarkii ay niyad-jab weyn ka muujiyaan sii socoshada dimuqraadiyeynta Puntland.

Madaxweyne Deni iyo dadka ka agdhow waxay u arkaan awood-daadejinta mid kala dhantaalaysa ku adeegashada awoodda siyaasadeed ee Puntland, sidaas darteed waxaa la dhihi karaa kama go’na in ay hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah oo dhaba.

PUNTLAND POST