In ka badan 17 kun oo shil oo sannadkan 2023 ka dhacay Puntland

In ka badan 17 kun oo shil ayaa sannadkan 2023 ka dhacay guud ahaan degaannada Puntland, sida uu shaaciyay Taliska Ciidanka Ilaalada Waddooyinka dowladda Puntland.

Dhammaan shilalkaasi waxa ku dhintay 54 qof, waxaana dhaawacyo culus ku noqday 275 ruux, halka ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen 610 qof, sida uu sheegay Taliyaha Taraafikada Puntland G/sare Cabdifitaax Siciid Saleebaan (Afrikaan).

Taliyaha ayaa sheegay in guud ahaan shilalkaas ay ku burbureen gaadiid dhan 894 gaari, halka ay ku ja-jabeen 507 mooto, islamarkaana guryaha shilalka ku waxyeelloobay yihiin 51 guri.

G/sare Cabdifitaax Siciid Saleebaan ayaa sidoo kale tilmaamay in shilalka sannadkan ka dhacay Puntland ay aad uga khasaare yar yihiin shilalkii sannadkii hore, kadib markii sida uu sheegay 80% dowladda dib u dhis iyo hagaajin ku samaysay jidadkii burbursanaa.

PUNTLAND POST