Hooyo Soomaaliyeed oo dishay labo Carruur ah oo dhashay oo gacanta lagu dhigay

Wararka ka imaanaya magaalada Qardo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday arrin dad badan ka argagaxeen, kaddib markii hooyo kamid aheyd dadka deegaanka ay dishay labo carruur ah oo ay dhashay.

Ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Qardho ayaa gacanta kusoo dhigay Ubax Cabdi Cismaan oo ah hooyada ku eedeesan in ay dil bareer ah u geesatay labo carruur ah oo ay dhashay.

Meydadka labada carruurta ah ee hooyadood dishay ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Qardo, waxaana falkan ka war helay dadka dariska oo war-galiyay ciidamada booliiska magaalada Qardho.

Booliiska ayaa baaritaano ku bilaabay sababta hooyadan u dishay ilmaheeda oo kala ahaa Majiid Maxamed Cabdi oo jira 1sano iyo 8 bilood iyo Maysoon maxmed Cabdi oo jirtay Hal bil iyo 5 cisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

[email protected]

– Advertisement –






Previous articleRa’isul Wasaare Xamse Barre oo magacaabay xubno cusub oo Wasiirro ah (Akhriso magacyada)