Kenya oo laga cabsi qabo in duufaano ku dhuftaan iyo Madaxweyne Ruto oo digniin diray

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa ka hadlay duufaano iyo daadad horleh oo laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan qeybo kamid ah dalka Kenya, xilli ay sii kordhayaan khasaaraha dhimasho ee ka dhashay daadadkii hore.

William Ruto oo khudbad Qaran u jeediyay muwaadiniinta dalka Kenya ayaa sheegay in ay jirto cabsi laga qabo in duufaano xooggan dalka ku dhuftaan, xilli horey dalka ula daalaa dhacayay fatahaadyo iyo dhul go’.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in aysan jirin meel kamid ah dalka Kenya oo ka bad baaday bur burka ka dhashay roobabka xooggan ee da’ay ayna ka dhasheen fatahaadyada iyo dhul go’ sida uu tilmaamay, isagoona xusay in hadda jiro xaalad kale oo cabsi leh.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in duufaanta Hidaaya ay suurto gal tahay in xilli kasta ay ka dhacdo dalka Kenya, waxa uuna xusay in sidoo kale jirto cabsi laga qabo fatahaadyo gaar ahaan dhibaatooyin ka dhaca dhulka xeebaha kuyaalla.

“Duufaantan oo lagu magacaabo Hidaaya, waxay dhici kartaa wakhti kasta, waxaana la saadaalinayaa inay sababi karto roobab mahiigaan ah, dabaylo iyo mowjado xooggan oo khatar ah kuwaasoo laga yaabo inay carqaladeeyaan dhaqdhaqaaqyada badda ee Badweynta Hindiya iyo deegaannada ku teedsan xeebaha Kenya,” ayuu yiri.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sidoo kale amray wasaaradda Waxbarashada dalkaasi in dib loo dhigo furitaanka goobaha waxbarashada, waxa uuna amray in ay xirnaadaan goobaha waxbarashada ilaa ammar dambe .

Dad ka badan 200-qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen gudaha dalka Kenya labadii bil ee lasoo dhaafay, waxaana dadkaasi dhimashooda sababeen roobabka xooggan ee da’ay kuwaa oo sababay fatahadayo iyo dhul go’.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –