Dowladda Hoose oo Banneysay Goobtii loo asteeyay Dhismaha Xarunta Degmada 26-ka Juun

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa ayaa olole Bannayn iyo nadiifin ah ka samaysay goobta loogu talo galay in laga dhiso dhismaha degmada 26 June.

Ololahaas oo laga fuliyey agagaarka dhismaha xisbiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Maayir ku xigeenka Magaaladda Hargeysa Khadar Axmed Cumar iyo Masuuliyiin ka mid ahaa Dawladda Hoose ee Caasimadda.

Xoghayah Dawladda Hoose Ee Magaaladda Hargeysa Mudane- Siciid Nuur Jaamac oo ka warbixiyey ololahaas ayaa sheegay in ololahani ahaa mid lagu guraayey xashiishka iyo iskaraabka gaadiidka oo goobtaas yaaley ,waxaana ololahaas kala qaybqaadanaayey xubno ka mid ahaa Ciidanka Booliska iyo hawlwadeenada dawladda Hoose.

Dhinaca kalena ,Xoghayaha Dowaladda Hoose Ee Magaaladda Hargeysa waxa uu Bulshadda ku dhaqan Degmaddaas 26-ka June ka codsaday in ay kala qaybqaataan dhismaha xarunta cusub ee ay yeelan doonto Degmadaasi.

Waxa kale oo uu xoghayaha dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa Siciid Nuur Jaamac Bulshada ka dalbaday in qofkii hantiyi ka taalo goobtaas in sida ugu dhaqsaha badan uga qaataan.





Previous articleWasiirka waxbarashada iyo Guddoomiyaha Imtixaanaadka oo hortagey Guddida arrimaha bulshada ee Golaha Wakiillada
Next articleKalfadhigii 84-aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo Maanta Furmaya