DEG DEG: Oday dhaqameed caan ah iyo dad kale oo goor dhow lagu laayey Laascaanood

Iyadoo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay maalmahan ka socdeen dibed baxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo Maamulka halkaas ka arrimiya ee Somaliland ayaa waxaa duhurnimadii maanta lagu dhowr qofood oo uu ku jiray oday ka tirsanaa waxgaradka magaaladaas.

Labo qof oo uu ku jiray Marxuum Bidde Faarax Caalin ayaa lagu dilay Laascanood ka dib markii ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamada Somaliand.

Marxuum Bide oo sidoo kale ka mid a qurba joogta kasoo jeeda gobolka Sool ayaa la dilay wax yar ka dib markii uu ka soo baxay Masaajid uu ku soo tukaday salaada Jimcaha.

Goob joogayaal ayaa sheegay in goobta laga qaaday dad ka badan 10 qof oo ku dhaawacmay rasaasta ay fureen ciidamada Somaliland kuwaasoo haatan lagu dabiibayo isbitaala Laascaanood.

Rabshadaha ka taagan magaalada Laascaanood ayaa sii xoogeysanaya maalin maalinta ka dambeysa, iyadoo haatan la maqlayo rasaas culus oo ciidamada Somaliland la beegsanayaan shacabka ka soo horjeeda ee dibed baxyada dhigaya.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleWararkii ugu dambeeyey xiisadaha ka taagan Laascaanod iyo Somaliland oo..