DEG-DEG: Man United Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Martin Dubravka

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhaye Martin Dubravka kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Newcastle United.

Man United ayaa Martin Dubravka kula soo wareegtay qaab amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Goolhaye Martin Dubravka ayaa noqday saxiixii 6-aad ee ay samayso kooxda Man United waxana uu qalinka ku duugay heshiis hal sano ah.

Martin Dubravka ayaa Dookha 1-aad ee Goolka Man United kula tartami doona Goolhaye David De Gea oo ah haatan Goolhayaha 1-aad ee kooxda.

Man United ayaa Martin Dubravka ka dhigtay saxiixii 2-aad ee ay dhamaystirto ama ku dhawaaqdo maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga.