Diyaar Nuuca Xamuulka qaada ah oo Shil ku gashay garoonka Diyaaradaha magaalada ….

Diyaarad nooceedu ahaa Boeing 767 Cargo Plane oo ay leedahay shirkadda FedEx Express ayaa lagu soo waramay inay si degdeg ah ugu degtay garoonka diyaaradaha ee magaalladda Istanbul ee dalka Turkiye, kadib, markii uu u bixi waayey Taayarka hore.

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada iyo warbaahinta qaar ayaa waxaa la arki karaa diyaaradda oo foolka hore dhulka herdiyey, markii ay sida deg dega ah uga degtay garoonka Istanbuulo.

Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha ee dalka Turkiye, Abdulkadir Uraloglu ayaa sheegay in aysan cidna wax ku noqonin shilkaasi iyaaradeed, iyadoo shaqaalihii diyaaradda si nabbad ah loo daad-gureeyey.

Diyaaradda oo tirsiga duullimaadkeeda ahaa (Flight Number) FX 6238 ayaa waxay isaga kala gooshaysay garoonka Charles de Gaulle ee caasimadda dalka Faransiiska ee Paris iyo garoonka magaalladda Istanbul ee dalka Turkiye.

Diyaarada waxay horaadka hore dhigatay dhabaha ay diyaaradaha ka hinqadaan, kuna soo degaan ee Runway 16R ee garoonka magaalada Istanbul, waxaana si KMG ah loo xiray duullimaadkii garoonkaasi.

Docda kale, kooxaha gurmadka garoonka iyo dab-damiska  ayaa waxay ku hawlan yihiin sidii diyaarada cilladaysan ee dhorkadda FedEx looga qaadi lahaa dhabaha Runway 16R iyo inay dib u bilowdaan duullimaadyadii garoonka Istanbul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –