Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ku dilay Cabdullaahi Caliyow iyo Najiib Cabdisalaan

Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal ay xalay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Baay, waxa ay ku dileen labo xubnood oo katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Howlgalkan ay ciidanka fuliyeen oo ahaa mid qorsheysan ayey ku khaarijiyeen labo xubnood oo katirsanaa kooxda Al Shabaab oo lagu kala magacaabayay Cabdullaahi Caliyow iyo Najiib Cabdisalaan, waxa ayna ciidanka furteen qoray ay raggaasi wateen.

Raggan ay dileen ciidamada ayaa la sheegay in ay ku howlanaayeen wax loo yaqaano uruurinta xoolaha sakada oo kooxda Al Shabaab , si xoog ah uga qaadaan dadka kunool deegaannada ay kataliyaan.

Howlgalka lagu dilay raggan katirsanaa Al Shabaab ayaa  ka dhacay deegaannada Sarmaan-dheere iyo Mooro-busbus ee katirsan gobolka Baay, waxaana deegaannadaasi la sheegay in Al Shabaab ku tagi jireen si dhuumaaleysi ah.

Ciidanka xoogga dalka ayaa mararka qaar fuliya howlgallo gaadmo ah ay ku beegsadaan kooxda Al Shabaab, marar badan ayeyna ciidamada sidaan oo kale u dileen dagaallamayaal katirsanaa Al Shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleXogta kulan dhexmaray RW Ku-xigeenka DF & Wasiirka arrimaha dibeda Turkiga (Sawirro)