Ciidanka NISA oo sheegay in ay dileen nin Al Shabaab shaqo weyn uga hayay Muqdisho

Ciidanka sirdoonka iyo nabad Ssugida Qaranka ee NISA ayaa toogtay nin ay sheegeen in uu Al Shabaab u qaabilsanaa baada iyo qalqal galinta ganacsatada iyo shacabka Muqdisho.

Ninkaan oo magaciisa sirdoonka Soomaaliya ku sheegeen Cali Raaxo ayaa lagu toogtay duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in ninkan Al Shabaab wakiil uga ahaa inuu si dhuumaaleysi ah ganacsatada iyo shacabka Muqdisho lacago baad ah uga qaado, isagoo telfoon ugu soo hanjabaya dadka magaalada.

Waxa ay sheegeen NISA in ninkan meelaha uu dadka ugu yeeri jiray sida dhuumaalysiga ah ay kamid ahaayeeb deegaannada Garas-gawaan, Gandarshe, Ceelasha Biyaha Lafoole ilaa Galka Saalimow.

Ciidanka nabad sugida ayaa sheegay in muddo dheer uruurinayeen xogta ninkan ayna ku raadjoogeen, waxa ayna sheegeyn in ugu danbayn nolosha la dhaafiyay ,meeshana laga saarsy khatartii uu shacabka ku hayay.

Ninkan la dilay ee Cali Raaxo ayaa la sheegay in uu kamid noqday sannadkii 2014-kii, wuxuuna ilaa markaas uu Al Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacagaha Al Shabaab ugu yeeraan canshuurta .

– Advertisement –